Diiwaangalinta musharaxiinta xubnaha aqalka sare ee K/galbeed oo Baydhabo ka socota

Diiwaangalinta 10 Murashax oo u tartami doona shan kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanya ka bilaabatay Magaalada Baydhabo

Xubnaha buuxiya shuruurdaha guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa inay beri ku tartamaan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo isagu u codeyn doona shanta kursi ee lagu tartamayo.

Labo kamid ah kursiyadan loo tartamaya ee doorashada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed waxaa loo xiray afar dumar ah oo ku tartami doono.

Shantan kursi ee loo tartamaya ayaa ka qeyb ka ah 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa shaley soo gudbiyay qaar ka mid ah liiska musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -